Saturday, 31 July 2010
You are here: Home Opinion Khatami oo ku baaqay in aft i laga qaado dadka Iran
Khatami oo ku baaqay in aft i laga qaado dadka Iran PDF Print E-mail
User Rating: / 1
PoorBest 
Written by marian   
Friday, 07 August 2009 13:05

Madaxweynihii hore ee Iran ee isbeddel doonka ahaa Maxamed Khatami ayaa ku baaqay in afti guud oo dalka ah loo qaado doorashooyinkii muranku ka dhashay ee madaxtinimada ee ka dhacay Iran bishii aynu ka soo gudubnay. Mr Khatami ayaa sheegay in aft i laga qaado dadka ay tahay mida kaliya ee lagu soo celin karo kalsoonida dadka ee ku wajahan nidaamka jira.

 

Mr Khatami ayaa sidoo kale ammaanay Madaxweynihii hore ee Iran Akbar Hashemi Rafsanjani oo isagu maalintii Jimcaha sheegay inay ay tahay waajibka kuwa maamulka haya inay ka hadlaan shakiga dadku ka qabaan natiijadii doorashada. Dhinaca kale Hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku eedeeyay wax uu ugu yeeray cadawga waddankiisa inay qasayaan doorashooyinkii ka dhacay Iran. Khudbad telefi shinka qaranka laga sii daayay ayaa Ayatollah Khamenei uu kaga digay hogaanka Iiraan inay iska jiraan faragelinta dibedda

 

Steven Gerrard oo lagu waayay denbi

 

Kabtanka kooxda kubadda cagta ee Liverpool Steven Gerrard ayaa lagu waayay wax danbi, kadib markii ay ku socotay dacwad la xiriirta in nin uu ku weeraray meel baar ah oo lagu caweeyo. Cayaaryahanka ayaa qirtay inuu feeray Marcus McGee, oo 34 jir ah, oo ay baarka dhexdiisa ku murmeen, bishii December ee sanadkii hore. Maxkamad ku taalla magaalada Liverpool ayaa ogolaatay doodda cayaaryahan Steven Gerrard, oo uu ku adkeystay inuu naftiisa difaacayay. Isagoo hadlayay Cayaaryahanka Steven Gerrard, oo isla markaana khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka England, ayaa waxa uu sheegay in uu iska hilmaamayo arintan, oo uu xoogga saarayo ciyaaraha xilligan ee ku soo fool leh.

 

 

 

Socdaalka Barack Obama ee Ghana


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa tegay waddanka Ghana maanta taasi oo ah booqashadiisii ugu horeysay ee wadamada Saxaraha ka hooseeya, Soo dhaweyn weyn ayaa ka muuqata magaalada caasimadda ah ee Accra.

 

Haddaba sidee loo arkaa booqashada Madaxweyne Obama maxayna ku soo kordhin kartaa qaaradda Afrika, barnaamijka Falanqeynta waxaan ku soo qaadan doonaa arintaasi. Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa waxaa uu khudbad ka jeediyay baarlamaanka waddanka Ghana taasi oo uu uga hadlay siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Afrika. Obama oo muddo gaaban joogi doona waddanka Ghana ayaa waxa uu booqan doonaa goobo dhar ah oo taariikh ku leh waddankaasi, oo ay ka mid tahay goobtii laga dhoofi n jiray dadka madow xilligii adoonsiga.

Last Updated ( Sunday, 29 November 2009 19:14 )
 

Your are currently browsing this site with Internet Explorer 6 (IE6).

Your current web browser must be updated to version 7 of Internet Explorer (IE7) to take advantage of all of template's capabilities.

Why should I upgrade to Internet Explorer 7? Microsoft has redesigned Internet Explorer from the ground up, with better security, new capabilities, and a whole new interface. Many changes resulted from the feedback of millions of users who tested prerelease versions of the new browser. The most compelling reason to upgrade is the improved security. The Internet of today is not the Internet of five years ago. There are dangers that simply didn't exist back in 2001, when Internet Explorer 6 was released to the world. Internet Explorer 7 makes surfing the web fundamentally safer by offering greater protection against viruses, spyware, and other online risks.

Get free downloads for Internet Explorer 7, including recommended updates as they become available. To download Internet Explorer 7 in the language of your choice, please visit the Internet Explorer 7 worldwide page.