Information
| Hargabka cusub ee H1N1: Ka ilaali naftaada |
|
|
|
| Written by Administrator | |
| Thursday, 03 December 2009 10:58 | |
|
Minnesota Department of Health (10/09) Waa maxay H1N1? Hargabka cusub ee H1N1 ayaa wuxuu yahay hargab gabi-ahaanba cusub. Horayna wali looma arag waxaanubilaabay in uu dadka ku dhaco bishii Abriil ee la soo dhaafay. Markii ugu horaysay waxay dadku ugu yeedheen“hargabka doofaarka” (swine flu) - inkastoo aan dhab ahaantii laga qaadin doofaarka. Isaga oo halkaasi jooga, ayaa wuxuu si degdeg ah ugu fiday dunida oo dhan. Marka hargabkaasi uu sidaasi noqday, waxaa loogu yeedhay xannuun si degdeg ah u faafaya. Tanina waa markii ugu horaysay ee aan aragnomuddo 40 sano ah.Hargabka H1N1 waa mid wali nagu meeraysanaya. Waxaanu magaalada Minnesota ka jiray xagaagii oo dhan,inkastoo uu saameeyey dad aad u yar marka loo eego siduu ku bilowday. Saynisyahanada ayaa ka walaacsan in uu soo noqon karo xilliga xagaaga, islamarkaana uu mowjad xannuun ah ku ridi karo beeleheena. Taas oo hadda u muuqata in ay dhacayso - gaar ahaana dugsiyadeena. Sidee baan uga walaacsanahay? Waxaa laga yaabaa in aad maqashay in hargabka noocaan ah aanu xannuun ba’an ku ridin dadka. Taas ooqeyb ahaan run ah. Dadka intiisa badan kuma keeno xannuun ka daran hargabka caadiga ee “xilliyaalaha ah”. Hasayeeshee hargabka xilliyaalaha ahi waa xannuun culus. Waxaanu dadka qaarkii ku keenaa xannuun aad u ba’an. Sanad kasta,wuxuu hargabka xilliyaalaha ahi dilaa 36,000 oo qof oo dalka ku baahsan. Waxaanu sidoo kale dadka qaarkii ku ridaa xannuun ka badan sida uu u qabto dadka kale. Iyadoo aanu la mid ahayn hargabka xilliyaalaha ah, hargabkan cusubi wuxuu u muuqdaa inuu gaarsado dhalinyarada iyo carruurta marka la barbardhigo dadka waaweyn. Waxaana si gaar ah halis ba’an ugu jira carruurta yaryar.Waxaana la mid ah dumarka uurka leh, iyo dadka qaba dhibaatooyinka caafimaad, sida neefta ama macaanka.Fayraska hargabka cusub ee H1N1 wuxuu sidoo kale noqon karaa mid isbadala, islamarkaana bilaaba in uudadka ku dhaco. Fayrasyada hargabku waa kuwo aan la saadaalin karin. Waxaanay si degdeg ah isku badalikaraan wakhti kasta, bilaabi karaanna in ay siyaabo kala duwan u dhaqmaan.Haddii xataa fayraska cusub aanu isbadalin, waxay u badan tahay in ay nagu meeraystaan laba nooc oo hargabah deyrtan - oo kala ah hargabka xilliyaalaha ah iyo hargabka cusub ee H1N1. Taas oo culays weyn ukeenaysa hannaanka daryeelka caafimaadka. Maxaa wanaagsan in aan sameeyo si aan hargabka ugu diyaargaroobo sanadkan? Istalaal, qoyskaagana ka tallaal - labada hargab ee kala ah hargabka xilliyaalaha ah iyo ka cusub ee H1N1.Waxaanad u baahnaan doontaa laba nooc oo tallaal ah si aad u badbaado. Dhaqaatiir iyo xarumo caafimaad oo badan ayaa u diyaar ah tallaalka caadiga ah ee sanadkan. Tallaalka hargabka cusub ee H1N1 wuxuu diyaar noqon doonaa horaanta ilaa bartamaha bisha Oktoobar – inkastoo aan la haynin wax ku filan cid kasta. Waxaa si khaas ah muhiim u ah in aad qaadato tallaalka H1N1 haddii aad tahay: • Hooyo uur leh• Dhalaan ama qaangaar da’ yar• Daryeele caafimaad ama shaqaale xaalada degdega ah• Qofka la nool ama daryeela dhalaanka da’diisu kahoosayso 6 bilood jir (carruurta da’daas ah lamatallaali karo)• Qof xaaaladiisa caafimaad aanay wanaagsanayn Faafaahin dheeraada iyo xog cusub kala xidhiidh:• Minnesota Department of Health www.mdhflu.com• U.S. Department of Health &Human Services www.flu.gov• Centers for Disease Control andPreventionwww.cdc.gov
|
|
| Last Updated ( Thursday, 03 December 2009 11:09 ) |
Latest News
New Mayor Creates Uncertainty in the Latino community![]() Mayor Frank Yanish was elected during the 2010 elections with 4,121 votes and he will take office in January 2011. This change has created great expectations in the community of... Thursday, 6 January 2011 READ MORE |
LOCAL NONPROFIT ORGANIZATION RECEIVES OVER $200,000 IN FEDERAL FUNDS TO CREATE JOBSWillmar, MN (Oct. 26, 2010)—The Willmar Area Multicultural Market (WAMM), an economic development corporation serving rural Willmar, MN, has been awarded its first federal grant of $234,422 from the Department... TUSEDAY, 9 November 2010 READ MORE |
100% - + 0Show options |
Poll / Encuesta
Most Popular News
Somali News
Your are currently browsing this site with Internet Explorer 6 (IE6).
Your current web browser must be updated to version 7 of Internet Explorer (IE7) to take advantage of all of template's capabilities.
Why should I upgrade to Internet Explorer 7? Microsoft has redesigned Internet Explorer from the ground up, with better security, new capabilities, and a whole new interface. Many changes resulted from the feedback of millions of users who tested prerelease versions of the new browser. The most compelling reason to upgrade is the improved security. The Internet of today is not the Internet of five years ago. There are dangers that simply didn't exist back in 2001, when Internet Explorer 6 was released to the world. Internet Explorer 7 makes surfing the web fundamentally safer by offering greater protection against viruses, spyware, and other online risks.Get free downloads for Internet Explorer 7, including recommended updates as they become available. To download Internet Explorer 7 in the language of your choice, please visit the Internet Explorer 7 worldwide page.





